DFS oo si adag u cambaaraysay doorashadii Baydhabo ka dhacday, kuna tilmaantay “fal sharci-darro ah iyo is-magacaabid hore loo sii qorsheeyey”

Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) ayaa si kulul uga hadashay doorasho ka dhacday magaalada Baydhabo, iyadoo ku tilmaantay mid “sharci-darro ah” isla markaana ah “is-magacaabid hore loo sii qorsheeyey, taasi oo uu ku soo baxay madaxweyne Cabdicasiis Xasan Laftagareen.

Qoraal ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa lagu sheegay in doorashadaasi ay si cad uga hor imaaneyso heshiisyadii Golaha Wadatashiga Qaranka, xeerarka doorashooyinka iyo dastuurka dalka, isla markaana aysan ka tarjumeyn rabitaanka shacabka Koonfur Galbeed.

DFS ayaa sheegtay in habka ay u dhacday doorashada maaanta ay muujinayso in aanay ahayn mid xalaal ah, balse ay tahay sida ay hadalka u dhigtay isku day lagu marin-habaabinaayo hannaanka dimuqraadiyadda, laguna meel-marinayo natiijo hore loo sii go’aamiyey. Dowladda ayaa si gaar ah u dhaliishay in doorashada lagu soo gabagabeeyey muddo 24 saacadood gudahood ah, iyadoo ka fog hufnaan, tartan xor ah iyo sharciyad.

Sidoo kale, DFS waxay tilmaantay in tallaabadan ay si toos ah uga hor imaaneyso mabaadi’da dowlad-dhiska, isla markaana ay sii xoojineyso tabashooyinka ka jira Koonfur Galbeed, kana hor imaaneyso dadaallada dib-u-heshiisiinta iyo dimuqraadiyeynta dalka.

“Looma aqoonsan karo doorasho waafaqsan dastuurka iyo nidaamka dowladnimo ee dalka, Waxa si cad u muuqata in waxa dhacay aanu ahayn doorasho xalaal ah, balse ay tahay isku day qaawan oo lagu marin-habaabinayo hannaanka dimuqraadiyadeed, laguna meel-marinaayo natiijo hore loo sii go’aamiyey. Habraac 24 saacadood gudahood lagu soo afjaray, oo ka fog hufnaan, tartan xor ah, iyo sharciyad.” ayaa lagu yiri bayaanka.

DFS ayaa caddeysay in aysan aqbali doonin hannaan kasta oo ku saleysan sharci-darro, qasab iyo musuq siyaasadeed, iyadoo ku adkeysatay in hoggaan sharciyaddiisu sugan tahay uu ka imaan karo oo keliya rabitaanka shacabka, laguna muujiyo doorasho xor, hufan oo loo wada siman yahay.

Ugu dambeyn, DFS waxay mar kale ku celisay sida ay uga go’an tahay difaaca dastuurka, ilaalinta nidaamka federaalka iyo hirgelinta doorashooyin xalaal ah oo ka tarjumaya rabitaanka dhabta ah ee shacabka Soomaaliyeed.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed