Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya ayaa shaacisay in dhammaan adeegyada ay bixiso Wasaaraddu laga bilaabo hadda lagu xiray isticmaalka Kaarka Aqoonsiga Qaranka ee ay bixiso Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka (NIRA), iyada oo la raacayo bayaan horay uga soo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya DFS.
Go’aankan ayaa ka soo baxay shirkii Golaha Wasiirrada ee dhacay 7-dii Abriil 2025, kaasoo diiradda lagu saaray dardargelinta isku xirka adeegyada dowliga ah iyo isticmaalka aqoonsi mideysan oo rasmi ah.
Wasaaradda Gaadiidka ayaa war-saxaafadeed ku sheegtay in “Qof kasta oo doonaya in uu helo adeegyada ay bixiso Wasaaradda sida ruqsadaha darawalnimada, is-diiwaangelinta gaadiidka, ama adeegyo kale oo la xiriira gaadiidka, waxaa looga baahanyahay in uu haysto Kaarka Aqoonsiga Qaranka.”
Shuruudahan cusub ayaa si toos ah u saameynaya dhammaan muwaadiniinta iyo shirkadaha gaadiidka dadweynaha, iyo sidoo kale saamilayda la xiriira howlaha gaadiidka dalka.
Wasaaradda ayaa caddeysay in tallaabadan ay qayb ka tahay hirgelinta Qorshaha Isbeddelka Qaranka ee la ansixiyay bishii Maarso 2025, waxaana looga gol leeyahay in kor loo qaado hab-raacyada amniga qaranka iyo xaqiijinta aqoonsiga muwaadiniinta Soomaaliyeed.
HBN ONLINE TV