DFS oo Shiinaha kala hadashay la dagaallanka kooxda Alshabaab iyo taageerada amniga 

Kadib kulan maanta ku dhexmaray magaalada Muqdisho Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi iyo Safiirka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya Wang Yu ayaa la sheegay in looga hadlay xoojinta iskaashiga amniga iyo difaaca ee labada dal.

Kulanka ayaa la sheegay in diiradda lagu saaray dadaallada dowladda Soomaaliya ee la-dagaallanka Alshabaab iyo guulihii ugu dambeeyay ee laga gaaray howlgalada ka dhanka ah kooxda.

Sidoo kale, labada dhinac ayaa ka wada hadlay lagu sheegay bayaanka ka soo baxay wasaradda gaashandhigga sidii loo xoojin lahaa iskaashiga difaaca iyo horumarinta awoodda hay’adaha amniga Soomaaliya.

Wasiir Fiqi ayaa dowladda Shiinaha ku ammaanay taageerada ay siiso Soomaaliya ee joogtada ah iyo mowqifkeeda ku aaddan taageeridda midnimada, madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Kulankan ayaa kusoo beegmaya xilli Soomaaliya ay waddo dadaallo lagu xoojinayo awoodda ciidamada iyo hay’adaha amniga, iyadoo dowladda ay sidoo kale raadineyso taageero caalami ah oo lagu xoojinayo dagaalka ka dhanka ah Alshabaab.

Dhanka kale, kulanka wuxuu ku soo aadayaa xili labada dhinac ay wadaan qorshe iskaashi oo ka looga hortagayo in la kala gooyo gobollada sheeganaya inay kawada go’aan ee Somaliland iyo Taiwan oo si weyn ay kaga soo hor jeedaan, halka ay dhinacyadaasi ay iyagune leeyihiin xiriir adag oo aqoonsi dunida kaga raadinayaan.

HBN ONILNE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed