Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in dib-u-habeyn weyn lagu sameeyay arrimaha socdaalka, tan ugu weyn tan iyo 1960-kiii, taasoo looga golleeyahay xakameynta dhaq-dhaqaaqa kooxaha loogu yeero argagixisada gudaha iyo dibadda dalka.
Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka Mustafa Dhuxulow, ayaa sheegay in shaqaalaha hay’adda si fiican loo tababaray, isla markaana si dhow ula shaqeynayaan hay’adaha kale ee dowladda iyo la-hawlgalayaasha caalamiga ah, si loo hubiyo in aysan jirin safarro sharci-darro ah oo ka baxaya ama u soo gala Soomaaliya.
Dhuxulow ayaa intaa ku daray in hay’addu ay qeyb ka tahay hay’adaha ammaanka, iyagoo ka hortagaya in kooxaha Al-Qaacida, Daesh, iyo Al-Shabaab ay dalka soo galaan ama ka baxaan. Waxa uu tilmaamay in la aasaasay nidaamka PISCES saddex bilood ka hor, kaasoo ah mid ka mid ah nidaamyada ugu fiican ee lagu xakameeyo socdaalka, sidoo kalena heshiisyo lala galay Interpol si loo la socdo dadka halista ah.
Agaasimaha ayaa sidoo kale sheegay in booqashooyin caalami ah lagu tagay dalal ay ka mid yihiin UK, Jarmalka, Switzerland, Norway, Finland, iyo Turkiga, si loo horumariyo nidaamka socdaalka Soomaaliya loona gaarsiiyo heer cusub, isaga oo xusay Ankara ay kaga baahan yihiin arimo muhiim ah oo ka caawin dalka wax badan la qabto.
Hadalka Dhuxulow wuxuu yimid kadib markii horaantii bishaan ay dowladda Soomaaliya ay dhaqan galisay qaraarka socdaalka ay samaysay in dadka si Internet-ka ah u qaadan karaan soo galista dalka, go’aan ay ganafka ku dhufteen Puntland iyo Somaliland.
HBN ONLINE TV