DFS oo sheegtay inay ku guulaysatay “badbaadinta” hoggaaminta Koonfur Galbeed

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay inay ku guulaysatay badbaadinta xaaladda hoggaamineed ee deegaannada Koonfur Galbeed, kaddib dadaallo ay ku xallisay sida hadalka ay u dhigtay khilaafaadkii ka jiray maamulkaasi.

Dowladda ayaa tilmaantay inay u martay waddo sharci ah si loo gaaro hannaan doorasho oo ay dadweynuhu si toos ah ugu soo doortaan maamulkooda, taas oo la doonayo inay keento xasillooni siyaasadeed, sida aan kasoo xiganay guddoomiyaha golaha shacabka Soomaaliya Aadan Maxamed Nuur Madoobe oo ku sugan magaalada Baydhabo.

Aadan Madoobe oo ku soo dhaweeyey Baydhabo Wafdi uu hoggaaminayey Hoggaamiyaha ku-meelgaarka ah ee Koonfur Galbeed Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi oo ah Ra’iisal Wasaaraha ku xigeenka labaad ee dalka oo dowladdu u magacowday.

“Dowladdu waxay ku guulaysatay in la badbaadiyo xaaladda hoggaamineed ee deegaannada KGS, iyadoo u martay waddo sharci ah si loo gaaro doorasho dadweynuhu ku soo doortaan maamulkooda,” ayuu yiri Aadan Madoobe.

Sidoo kale, Dowladda Soomaaliya ayaa xustay in la wado dadaallo dheeraad ah oo lagu xaqiijinayo in bulshada Koonfur Galbeed ay helaan maamul ay si xor ah u doorteen.

Ugu dambeyn, dowladda ayaa carrabka ku adkaysay inay ka go’an tahay hirgelinta doorashooyin hufan oo ku saleysan rabitaanka shacabka, si loo xoojiyo dowladnimada iyo xasilloonida dalka.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed