Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in Ciidanka Badda Turkiga, oo kaashanaya Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, ay soo furteen markabka MV LUTUF, kaas oo burcad-badeed Soomaali ah ay afduubteen 17-kii Agoosto meel u dhow xeebaha degmada Eyl ee gobolka Nugaal.
Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa warsaxaafadeed ay maanta soo saartay ku sheegtay in hawlgalku socday muddo 10 maalmood ah, laguna burburiyay afar doon oo ay burcad-badeeddu adeegsanayeen, halka 14 ka mid ah burcad-badeedda la dilay. Dowladda ayaa sidoo kale sheegtay in cadaadis joogto ah oo militari lagu saaray kooxda uu ugu dambeyn ku qasbay inay markabka ka cararaan.
“Hawlgalkan oo socday muddo 10 maalmood ah, waxaa lagu burburiyey afar doon oo ay adeegsanayeen burcad-badeeddu, halka 14 ka mid ah ay ku dhinteen. Cadaadiska joogtada ah ee ciidamada ayaa ugu dambeyn ku qasbay burcad-badeedda hartay inay ka cararaan markabka” ayaa lagu yiri warka Wasaaradda gaashaandhigga.
Ciidamada ayaa sida warsaxaafadeedku sheegay si buuxda ula wareegay MV LUTUF, waxaana markabku hadda si nabad ah u sii wataa socdaalkiisa.
Arrintan ayaa meesha ka saaraysa, ama ugu yaraan khilaaf gelinaysa, wararkii hore ee sheegayay in markabka lagu sii daayay heshiis lala galay burcad-badeedda. Ilo deegaanka ah ayaa hore u sheegay in madax-furasho la bixiyay, laakiin arrintaas si madax-bannaan looma xaqiijin.
Markabka oo ku goosha calanka Cameroon ayaa 17-kii Agoosto waxaa qabsaday 8 nin oo hubeysan. Wararkii hore waxay sheegeen inuu 23-kii Luulyo ka soo shiraacday Tekirdag oo Turkiga ah, iyada oo diiwaanka safarkiisu tilmaamay caasiamdda Tanzania ee Dar es Salaam, Hase yeeshee, ilo kale ayaa sheegay inuu dhab ahaan ku wajahnaa Muqdisho, isla markaana uu siday hub, qalab isgaarsiin iyo qalab Satellite oo loogu talagalay xarun militari oo Turkigu ku leeyahay Muqdisho.
Dhanka kale, hiwlgalladii ka dhacay xeebaha Nugaal waxaa hareeyay muran. Puntland waxay Turkiga ku eedeysay duqeymo sababay dhimasho, halka Turkigu hore u sheegay inuusan xog ka hayn duqeymahaas.
Warsaxaafadeedka cusub, Dowladda Federaalka waxay howlgalka ku saleysay heshiiska iskaashiga difaaca ee Soomaaliya iyo Turkiga, iyadoo sheegtay in ujeeddadu tahay sugidda amniga xeebaha, la-dagaallanka burcad-badeedda iyo ilaalinta isu-socodka maraakiibta.
HBN ONLINE TV

