DFS oo sheegtay in ku dhawaad 150 ka tirsanaa Alshabaab ku dishay howlgallo ka dhacay Shabeellaha Dhexe

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa sheegay in howlgallo ballaaran oo socday muddo toddobaad ah, lagana fuliyay deegaanno ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe ee Hir-Shabeelle lagu dilay ku dhawaad 150 xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab.

Fiqi oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in Alshabaab ay isku dayeen inay beegsadaan deegaanno muhiim ah oo ku yaalla gobolka, balse Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo helay xog sirdoon ay ka hortageen qorshahaas, isla markaana fuliyeen howlgallo uu ku tilmaamay kuwo “lagu jabiyay”maleeshiyaadka kooxda.

Sidoo kale, Wasiirka ka hadlay howlgallo kale oo ka dhacay deegaanka jasiiradeedka Kudhaa ee Gobolka Jubada Hoose ee Jubbaland, halkaas oo uu sheegay in Alshabaab lagu gaarsiiyay jab xooggan. Waxa uu bogaadiyay iskaashiga u dhexeeyay Ciidamada Federaalka iyo kuwa Jubbaland ee ka qeyb qaatay howlgalladaas.

Dhinaca kale, Wasiirka Gaashaandhigga ayaa uga mahadceliyay dowladaha Turkiga iyo Mareykanka taageerada ay siiyeen Ciidamada Soomaaliyeed, isagoo xusay in ay ka caawiyeen duqeymo cirka ah iyo agab ciidan oo door ka qaatay guulaha laga gaaray howlgallada.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed