Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cali Cumar Balcad, ayaa sheegay in dowladda ay diyaar u tahay wada-hadal ku saabsan dhinacyada farsamo ee doorashada, balse ay weli aaminsan tahay in doorashada qof iyo cod ay tahay xuquuq dastuuri ah oo ay leeyihiin muwaadiniinta Soomaaliyeed, xili uu Muqdisho kaga qeybgalay shir arrimaha doorashooyinka ku aadan.
Balcad ayaa si gaar ah uga hadlay mar wax la waydiiyey doorashadii Galmudug oo dib loogu laabanayo ayaa sheegay in dunida aysan wax cusub ka ahayn in doorasho natiijadeeda la baabi’iyo ama maxkamad la geeyo. Waxa uu tusaale u soo qaatay dalka Kenya oo uu sheegay in doorashooyin badan lagu murmo oo maxkamadaha loo gudbiyo.
Wasiiru-dowlaha ayaa soo dhaweeyay go’aanka Maxkamadda Sare ee Soomaaliya iyo sida ay dowladda u aqbashay, isaga oo tilmaamay in arrintani fursad u tahay in la xoojiyo hannaanka sharci iyo dastuuri ee doorashooyinka dalka.
“Adduunyada wax ku cusub ma aha in doorasho la baabi’iyo. In doorasho Maxkamad la geeyo. Wadankan Kenya ee dariskeena ah doorasho aan Maxkamad la geyn waa yar tahay labaatankii sano ee ugu dambeeyey. Waa wax lagu farxo waana u hambalyeynayaa Maxkamadda iyo Dowladdune inay iyadune aqbashay” ayuu yiri wasiir Balcad.
Maanta, Guddiga doorashooyinka Soomaaliya ayaa War saxaafadeed uu soo saaray ku sheegay inuu soo dhawaynayo go’aannada Maxkamadda Sare ee ku taariikhaysan 24-kii Agoosto 2026, isla markaana ku saabsanaa doorashadii Galmudug ee dhacday 30-kii Luulyo ee isla sanadkan.
HBN ONLINE TV

