War ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya oo looga hadlay rabshadihii ka dhacay magaalada Boorama ee gobolka Awdal oo sababay dhimashada iyo dhaawaca dadka rayidka ah ayaa loogu baaqay Somaliland in ay dhagaysato Dadkaas dibadbaxaya oo aanay awood u adeegsan,
“Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya waxay ka xuntahay qalalaasaha rabshada wata ee ka dhacay Gobolka Awdal gaar ahaan Magaalada Boorama” War saxaafadeedka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS, iyada oo tacsi loo diray Ehelada Dadkii halkaas ku geeryooday, kuwa dhawaaca ahne caafimaad degdeg ah loo rajeeyey.
“Falkaasi wuxuu ahaa mid nasiib darro ah oo laga baaqsan karayay,” ayaa la sii raaciyey warka wsaaradda. Sidoo kale waxay sheegtay in xalka keliya uu ku jiro in Xukuumadda Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro oo la hadasho Dadka, Salaadiinta dhaqanka, Culimada, Ganacsatada, Haweenka, Dhallinyarada & Guud ahaan Shacabka Awdal oo u istaaga xalka in si wadajir ah loo raadiyo.
“Waxaan ugu baaqaynaa Maamulka Somaliland in ay uturaan Shacabka deegaanka, in la dhagaysto lana ixtiraamo dareenkooda isla markaana si ma’suuliyad leh loo xaliyo tabashada Shacabka, lagana dheeraado ficil kasta oo xaaladda uga sii daraya,” ayaa lagu yiri markale qoraalka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS.
Iyad oo sii wada qoraalka ayey tiri “Dawladdu sidoo kale waxay ugu baaqaysaa Odayaasha Dhaqanka, Culumada, Ganacsatada, Haweenka, Dhalinyarada iyo guud ahaan Shacabka Gobolka Awdal in ay muujiyaan daganaan, lana joojiyo ficilada waxyeelaynaya badqabka iyo xasiloonida magaalooyinka iyo Bulshada ku nool intaba, isla markaana wadahadal loo maro xal u helista xiisadda taagan”.
Gunaanadkii Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya ay sheegtay in Dawladda Federalka ah ay diyaar u tahay in ay ka qayb qaadato taakulaynta Dhaawacyada u baahan gargaar caafimaad si ay u helaan daryeelka ay u baahan yihiin sida hadalka loo dhigay.
Tiro sugan lagama hayo dadka dhintay, waxaa jira warar sheegaya in dadkaas geeriyooday ay kor u dhaafayaan 10 ruux halka ay ku dhaawacmeen tiro intaas ka badan, waxaa socda dedaallo lagu soo afjarayo xiisaddaas iyo dibadbaxyada rabshadaha watay.
Hbn Online Tv

