DFS oo shaaciyay qorshe culus oo ay ka damacsan tahay Koonfur Galbeed 

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan maalintii 4-aad magaalada Baydhabo ayaa khudbad uu jeediyey ku sheegay in Koonfur Galbeed ay noqon doonto deegaankii ugu horreeyey ee dalka laga hirgeliyo doorashooyin toos ah, isagoo shacabka ugu baaqay inay xoojiyaan wada noolaanshaha iyo taageerada geeddi-socodka dimuqraadiyeynta.

Waxa uu ka hadlay dhacdooyinkii ka dhacay Baydhabo intii uu socday qorshihii lagu qababanayey magaalada, isagoo sheegay in aan wax dambi ah loo haysan mas’uuliyiintii hore, isla markaana loo baahan yahay in laga gudbo khilaafaadka.

Sidoo kale, Wuxuu kooban uga hadlay xiliga la qaban doono doorashada cusub ee lagu soo dooran doono masuuliyiinta maamulka Koonfur Galbeed.

“Maamul dadku doorteen deegaankaan inuu yeesho waa dedejinaynaa intii suurtagal ah, waa lagu dhaqsanaa waa la samaynaa. Maalin dhow oo aan dheereynIllaahay idinkiis, madaxweynihii dowlad-goboleedka oo la doortay, Baaralmaankii oo la doortay, Caleema saarkoooda iyo xafladeyntooda ayaa aan isu imaan doonaa” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha ayaa kulamo la yeeshay odayaasha dhaqanka ee Koonfur Galbeed si uu ugala hadlo dhismaha maamulka cusub iyo doorka ay ku leeyihiin marxaladda kala guurka ah. Kulamadan iyo kuwa ay wadaan mas’uuliyiinta kale ee maamulka ayaa diiradda lagu saarayaa sidii loo xaqiijin lahaa xasillooni iyo maamul dhameystiran.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed