Dowladda Federaalka Soomaaliya DFS ayaa sheegtay in howlgal culus oo ay fuliyeen ciidanka dowladda uu lagu burburiyay xarumo muhiim u ahaa kooxda Alshabaab, kuwaas oo ku yaallay xaafadda Howlwadaag ee degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe.
Sida lagu sheegay war ka soo baxay hay’adaha amniga, laguna baahiyey warbaahinta Dowladda howlgalkaas bartilmaameedka ahaa ayaa lagu beegsaday sida la sheegay laba xarumood oo Alshabaab u adeegsan jireen diyaargarowga gaadiidka qaraxyada iyo kaydinta hubka. Mid ka mid ah xarumahaas ayaa la xaqiijiyay in lagu arkayay baabuur horay loogu diyaariyay waxyaabaha qarxa, iyadoo xaruntaasi ay si weyn u gubatay xilliga la burburinayay.
Sidoo kale, Ciidamada ammaanka ayaa la tilmaamay inay ku guuleysteen in si gaar ah u beegsadaan meelahaas muhiimka u ahaa weerarrada kooxda, taasoo la carrabaabay dhabar jab weyn inay ku tahay howlaha abaabulka iyo weerarrada ay ku hayaan shacabka iyo ciidamada.
Bayaanka ayaa lagu sheegay in la soo bandhigi doono cadaymaha xogtan iyo muuqaallo la xiriira howlgalka. Waa howlgalkii labaad oo lagu beegsado kooxda 72 saacadood gudahood, ka dib sidaan oo kale la burburiyey shabakad gaar oo aagaasi ku sugneyd.
HBN ONLINE TV