DFS oo Puntland ku eedeysay hor istaag qaranimo iyo musuqmaasuq la xiriira mashaariicda horumarineed

Iyadoo uu sare u kacay khilaafka u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) iyo Puntland, ayaa Xukuumadda Federaalka si adag u cambaareysay hadallada xanafta leh ee ka soo baxaya madaxda maamulka, iyadoo ku eedeysay in ay caqabad ku tahay midnimada dalka iyo danta shacabka Soomaaliyeed.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya XFS Cali Yuusuf Cali-Xoosh oo ka hadlayey shirka wadatashiga Qaranka ee ka socda magaalada Muqdisho ayaa sheegay in maamulka Puntland uu si sharci darro ah sida uu hadalka uu u dhigay u isticmaalay 7 mashruuc oo ka mid ah 24 mashruuc oo loogu talagalay bulshada Puntland.

“Waxaan xog-ogaal u ahay in 7 mashruuc loo siidaayey si gaar ah oo aan waafaqsaneyn nidaamka, halka 17 mashruuc oo kale ay weli u yaallaan Puntland oo aan cidna ka xannibin,” ayuu yiri Wasiir Cali Xoosh.

Wasiirka ayaa sidoo kale xusay in shacabka Puntland lagu jahawareeriyey macluumaad khaldan oo mugdi gelinaya doorkii ay ku lahaayeen Soomaalinimada, isagoo yiri “Reer Puntland-now Soomaali wixii aad ka aheydeen ayaad ka tihiin”.

Wuxuu si kulul ugu eedeeyey madaxda Puntland inay warbaahinta u adeegsadaan hadallo aflagaado ah iyo dacaayado ka dhan ah dowladda dhexe, isaga oo xusay in ay qaateen lacag loogu talagalay waxbarashada iyo adeegyada aasaasiga ah ee bulshada, ayna ka hadlayaan arimo la xariira midnimo Soomaaliyeed.

Ugu dambeyn, Wasiir Xoosh wuxuu sheegay in maamulka Puntland uu diiday in wasiirradooda ay saxiixaan mashaariicda ay xaqa u leeyihiin, ayna ku xiran yihiin fulinta nidaamka iyo shuruudaha deyn-cafinta ee uu dejiyay Baanka Adduunka, si qoondadooda u helaan.

Maamulka Puntland kama jawaabin weli eedeymaha loo jeedshay ee masuq iyo dayaacayadaha la xariirta, taasi oo la tilmaamay in masuuliyiin gaar ah ay ku keceen.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed