DFS oo loo oggolaaday daabacaadda Baasaboorka ururka Bariga Afrika

Dowladda Federaalka Soomaaliya DFS ayaa shaaca ka qaaday in si rasmi ah loo oggolaaday in Soomaaliya ay daabacdo baasaboorka ay wadaagaan dalalka xubnaha ka ah Ururka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika (EAC).

Warbaahinta dowladda ayaa maanta baahisay in wakiilka Soomaaliya u fadhiya EAC, Danjire Ilyaas Cali Xasan, uu Wasaaradda Amniga Gudaha iyo Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya ku wareejiyay nuqulka ka mid ah waraaqaha oggolaanshiyo ee daabacaadda baasaboorka EAC.

Sida dalalka kale ee EAC horey u sameeyeen, Soomaaliya ayaa la filayaa inay beddesho baasaboorka ay hadda adeegsadaan muwaadiniinta, iyadoo la hirgelinayo baasaboorka cusub oo midabkiisu yahay buluug, kuna dul qoran yahay “East African Community”, sida ka muuqata baasaboorrada dalalka xubnaha ka ah ururka, oo ay ka mid tahay Tanzania.

Si kastaba ha ahaatee, weli lama caddeyn in baasaboorkan cusub lagu bixin doono si xaddidan oo shuruudo gaar ah leh, ama in dhammaan muwaadiniinta Soomaaliyeed la siin doono, sida ka hirgashay dalalka kale ee EAC, si loo fududeeyo isu-socodka xorta ah iyo isdhexgalka gobolka Bariga Afrika

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed