DFS oo loo gacan galiyey Nus-Milyan Doollar oo maalgelin Argagixiso loo qabtay

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Soomaaliya ayaa shaaciyay in uu gacanta ku hayo in ka badan 250 kiis oo la xiriira lacag dhaqid iyo maalgelin argagixiso, kuwaas oo dhammaantood la xiriira kooxaha argagixisada ah ee ku lugta leh amni darrada dalka.

War saxaafadeed kasoo baxaya xeer ilaalinta ayaa lagu sheegay in Xafiisku ku guuleystay in uu burburiyo shabakado maaliyadeed oo ay kooxahaasi ku dhacayeen sida hadalka loo dhigay hantida shacabka Soomaaliyeed, iyadoo laga hortagay habab badan oo lacago loogu dirayey kooxahaasi si ay uga fuliyaan falal lid ku ah amniga iyo horumarka dalka.

Intaa waxaa dheer – wuxuu Xafiisku xaqiijiyay in la furfuro in ka badan 3,500 akoon oo ay isticmaalayeen kooxaha argagixisada, in la xayiray ku dhowaad 1 milyan oo dollar oo laga hortagay in si khaldan loo adeegsado iyo in dowladda si sharci ah loogu wareejiyay ku dhowaad nus milyan dollar oo laga helay koontooyinka argagixisada.

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud wuxuu sidoo kale ku guuleystay in maxkamad la horkeeno laguna xukumo in ka badan 13 eedeysane, kuwaas oo lagu helay sida hadalka loo dhigay dambiyada lacag-dhaqid iyo maalgelin argagixiso.

Sidoo kale, xafiiska ayaa horey u eedeeyay in ka badan 50 kiis, halka eedeysanayaal badan oo kale ay ku maqan yihiin waddamo dibadda ah, waxaana socda howlgallo wadajir ah oo lala kaashanayo Booliska Caalamiga ah (INTERPOL) si loo keeno dalka.

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud wuxuu digniin adag u diray ganacsatada Soomaaliyeed iyo hay’adaha maaliyadeed ee dalka, isagoo faray in ay si buuxda ugu hoggaansamaan shuruucda la dagaalanka lacag-dhaqista iyo maalgelinta argagixisada.

Xafiisku wuxuu sidoo kale ugu baaqayaa shacabka Soomaaliyeed in ay si dhow ula shaqeeyaan hay’adaha garsoorka iyo laamaha baarista dambiyada, isla markaana ay si degdeg ah ugu soo gudbiyaan warbixin kasta oo ku saabsan dhaq-dhaqaaqyada shakiga leh ee la xiriira kooxaha argagixisada.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed