Qaar ka mid ah xubnaha mucaaradka ayaa ku eedeeyay Dowladda Federaalka Soomaaliya inay xabsi guri ka dhigtay Taliyihii hore ee Ciidanka Asluubta Sarreeye Guuto Mahad Cabdiraxmaan Aadan, kadib markii xilka laga qaaday maalintii shalay, kadib kulan ay yeesheen golaha wasiiradda.
Bayaan ka soo baxay Xisbiga uu hoggaamiyo Madaxweynihii hore ee dalka Shiikh Shariif Sheekh Axmed, ayaa lagu sheegay in ay ka xun yihiin tallaabo lagu sheegay in ciidamada lagu dul dhigay hoyga Taliye Mahad, arrintaas oo ay ku tilmaameen mid aan habboonayn.
Sidoo kale, Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa sheegay in guriga Taliye Mahad ay joogaan ciidamo, isaga oo xusay in tallaabadaasi aysan ahayn mid la aqbali karo.
Dhanka kale, Madaxweynihii hore ee dalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo isna ka hadlay arintaan ayaa sheegay in tacadi lagula kacay Taliye Mahad, lagana qaaday xorriyaddiisa, iyada oo lagu yiri hadalkiisa “waa fal cad oo aargoosi siyaasadeed ah, wuxuuna u muuqdaa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud in uu qaaday waddadii kali-talisnimada (dictatorship)”.
Waxaa hadalka la sii raaciyey “Beegsiga sii kordhaya ee nidaamka Madaxweyne Xasan Sheekh uu ku hayo Wasiirrada, Xildhibaannada, Saraakiisha iyo masuuliyiinta ka soo jeeda Koonfur Galbeed ee taageersan qabsoomidda doorashada deegaankooda waxa ay caddaynaysaa in Madaxweynuhu uu yahay doorasho diid ka tashaday shacabka iyo haldoorka Soomaaliyeed”.
Eedeymahan ayaa imanaya maalin kadib markii Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay xilka ka qaadeen Taliye Mahad Cabdiraxmaan Aadan, iyagoo beddelay Taliye Maxamed Shiikh Xasan Xaamud.
Dhankiisa, Taliye Mahad ayaa cod kooban oo uu ku baahiyay baraha bulshada ku sheegay inuusan ku jirin wax xabsi ah, islamarkaana wararka sheegaya arrintaasi ay yihiin kuwo aan sax ahayn.
Ilaa hadda ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku saabsan eedeymahan, mana jirto cid madax-bannaan oo xaqiijin karta xaaladda dhabta ah.
HBN ONLINE TV

