DFS oo ku eedeysay Puntland iyo Jubbaland in diyaarado lagu soo daabulo ciidamo iyo hub aan la garanayn ujeedadooda

Dowladda Federaalka Soomaaliya DFS oo war kasoo saartay sababtii ka dambeysay in maant dib looga celiyo Muqdisho labo diyaaradood oo waday ciidamo iyo masuuliyiin ka socday Jubbaland iyo Puntland oo ahaa wafuud hordhac u ahaa imaatinka labada madaxweyne ayaa sheegtay in go’aankaasi uu ka dambeeyey amaro hore oo jiray iyo ogaysiis la siiyey dhinacyada gogosha wadahadal ka qayb gali lahaa.

War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda amniga gudaha Federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in xubno ka tirsan Puntland iyo Jubbaland ay isku dayeen in diyaarado kusoo daabulaan ciidamo iyo hub lagu sifeeyey mid aan la garanayn ujeedkiisa Muqdisho, taasoo khatar ku ah sida hadalka loo dhigay amniga caasimadda iyo shirka wada-hadallada ee Dowladdu ku baaqday in uu dhaco 1-da Febraayo 2026.

DFS waxay caddeysay in habraacyadan iyo baratakoollada amniga ee Garoonka Aadan Cadde iyo guud ahaan caasimadda lagu dhaqmo in hub aan la ogayn la soo dejiyo, loona baahan yahay in si buuxda loo ilaaliyo.

“Waxaan ka xunnahay in aan Ummadda Soomaaliyeed la wadaagno, in xubno ka mid ah Madasha Mustaqbalka oo ka qeybgali lahaa shirkii wada hadallada ee Dowladdu ku baaqday in uu caasimadda ku qabsoomo 1-da Febraayo 2026, ay saaka isku dayeen in ay diyaarado kusoo daabulaan ciidamo iyo hub aan la garanayn ujeedada ay ka leeyihiin, taas oo xadgudub ku ah qaraarrada aan kor ku soo xusnay, kuwaas oo ay ku dhaqmaan dhammaan madaxda sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwa maalmul goboleedyadda iyo madaxdii hore ee dalka” ayaa lagu yiri wasaaradda amniga guduha DFS.

Sidoo kale, waxay tilmaantay in Hay’adaha amniga dowladda iyo guddiga qaban-qaabada shirka ayaa xubnaha matalaya golaha mustaqbalka ku wargeliyeen in aan la aqbali karin hub iyo ciidamo aan marin nidaamka amniga, inkasta oo mucaaradku dooday in wadahadalii hore ay ku wargaliyeen DFS in ciidamo madaxda Jubbaland iyo Puntland imaan doonaan.

DFS ayaa sheegtay inay ku boorinayso dhammaan dhinacyada in la ilaaliyo baratakoollada amniga si shirka wadahadalka uu ku qabsoomo jawi xasiloon oo nabad ah.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed