DFS oo ku eedeysay madaxweynaha Koonfur Galbeed “inuu xiriir la leeyahay Alshabaab uuna heshiis la galay”

Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) ayaa eedeyn culus u jeedisay Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, iyadoo ku eedeysay inuu xiriir la leeyahay kooxda Alshabaab, isla markaana uu heshiis la galay, sida lagu sheegay bayaan dawlada ka soo baxay.

Warkan qoraalka ah ee ka soo baxay wasaaradda warfaafinta ayaa lagu sheegay in Laftagareen iyo Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed Cali Saciid Faqi ay xiriir toos ah la leeyihiin sida loo dhigay Alshabaab.

“Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay ka war haysaa in hoggaamiyihii hore ee maamulka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen), iyo Guddoomiyihii hore ee Golaha Wakiillada, Cali Saciid Faqi, ay xiriir toos ah la leeyihiin kooxda Khawaarijta,” ayaa lagu yiri warka DFS.

Sidoo kale, DFS ayaa ku eedeysay mas’uuliyiintan inay faafiyeen warar ay ku tilmaantay “been abuur” ka dhan ah saaxiibada caalamiga ah ee taageera Ciidanka Qaranka, isla markaana ay difaacayaan maleeshiyaadkii lagu jebiyay sida la carrabaabay dagaal ka dhacay deegaanka Deynuunaay oo qiyaastii 18-km u jirta Baydhabo.

Dowladda Federaalka ayaa si adag u cambaareysay hadallada iyo ficillada lagu eedeeyay, iyadoo sheegtay in lala xisaabtami doono cid kasta oo ku lug yeelata falal lagu sheegay kuwa argagixisanimo.

Dhanka kale, eedeyntan ayaa noqoneysa mid aad u culus oo saameyn siyaasadeed leh, iyadoo aan wali la soo bandhigin caddeymo muuqda oo taageeraya sheegashada ah xiriir, taas oo dhalisay su’aalo badan.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed