Dowladda Federaalka Soomaaliya DFS ayaa si kulul u dhaleeceysay Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen (Guudlaawe), iyadoo ku eedeysay inuu ka baxay heshiiskii doorasho ee Golaha Wadatashiga Qaran (GWQ), kadib doorasho gole deegaan ah oo maanta ka dhacday degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe.
Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya Cali Cumar Balcad ayaa doorashadaas ku tilmaamay “doorasho ku sheeg” xilligeedii laga soo gudbay, isagoo carabka ku adkeeyay inay tahay nasiib darro weyn sida uu hadalka u dhigay in Hirshabeelle ay ka leexatay wadadii loo asteeyay doorasho qof iyo cod ah.
“Waxaa nasiib darro wayn ah in xilli uu dalku isku diyaarinayo doorasho loo dhan yahay oo ay socoto diiwaan gelintii codbixiye yaasha, in uu Maamulka HirShsbelle ee Madaxwayne Cali Guudlaawe ku mashquulsan yahay qabashada doorasha dadban oo uu xiligeedi dhamaaday,” ayuu yiri Wasiir Balcad.
Wasiirku wuxuu sidoo kale tilmaamay in doorashada maanta ka dhacday degmada Balcad ay si toos ah uga hor imaanayso sida uu hadalka u dhigay heshiisyadii Golaha Wadatashiga Qaran (GWQ) iyo xeerarkii ay hore u ansixiyeen golayaasha qaran.
“Doorasho ku sheegta maanta lagu qabtay degmads Balcad waxay meel Ka dhac ku tahay heshiisyadii ay horay u gaareen GWQ iyo Shuruucdii ay ansixiyeen goloyaasha qaran,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.
Ugu dambeyntii, Wasiir Balcad wuxuu ugu baaqay Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe inuu diiradda saaro diyaarinta doorashada lagu heshiiyay oo qof iyo cod ah, halkii uu waqtigiisa ku lumin lahaa sida uu carrababaay doorasho horey loo soo dhaafay, taas oo sida uu sheegay abuuri karta khilaaf beeleed iyo nabadgelyo darro.
Inkasta oo khilaafkan cusub uu si degdeg ah ku soo shaacbaxay, hadane waxyaabaha si aad ah la isu waydiinayo ayaa ah inta uu gaarsiisan yahay muranka ismaan dhaaf ee DFS iyo Hirshabeelle oo lagu eedeeyo inuu ka mid yahay maamullada xilheyntoodii la dhaafay oo si dhow ugu xiran dowladda dhexe.
Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Hirshabelle iyo Madaxweyne Cali Guudlaawe oo ku aadan eedeymaha loo jeediyay
HBN ONLINE TV