DFS oo ku dhawaaqday inay ka guurtay eVisa, iyadoo soo bandhigtay xog kale

Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) ayaa shaacisay in adeegga dal-ku-galka elektaroonigga ah ee eVisa laga wareejiyay wadadii hore ee lagu jaran jiray, islamarkaana hadda lagu beddelay nidaam cusub oo casri ah oo lagu magacaabo eTAS (Electronic Travel Authorization System).

Nidaamkan cusub ee eTAS ayaa u muuqda mid fududeynaya habka dal-ku-galka iyo maamulka socdaalka. Sida lagu baahiyey xog kooban oo lagu daabacay bogga Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ee Soomaaliya, hay’addu waxay ku sheegtay inay u wareegtay adeeggaas cusub.

“Waxaan u guurnay nidaamka cusub ee eTAS,” ayaa lagu yiri jawaab rasmi ah oo bogga rasmiga ah Hay’addu ku bixiso qofka doonaya inuu jarto adeegga socdaalka ee Soomaaliya.
Haddii nidaamka eTAS uu si toos ah ugu xirnaado hay’adaha socdaalka, waxaa la filayaa in xogta muwaadiniinta iyo dadka ajaanibta ahba si degdeg ah loola wadaago masuuliyiinta amniga, taas oo sahlaysa codsiga iyo oggolaanshaha safarka.

Xogtaan ayaa soo baxday kadib markii ay baraha bulshada qabsadeen warar aan la hubin oo sheegaya in cilad ku timid adeeggii eVisa ee Soomaaliya, inkasta oo aanay hay’adda dowladda u qaabilsan socdaalka wali ka soo saarin war rasmi ah oo lagu beeninayo ama lagu faahfaahinayo arrintaas.

Nidaamka eTAS ayaa lagu tilmaamay inuu yahay tallaabo cusub oo ay DFS ku horumarinayso nidaamka socdaalka, iyadoo la filayo in lagu xoojiyo amniga dalka, lana kordhiyo daahfurnaanta iyo hufnaanta adeegyada socdaalka.

Waxaa sidoo kale lagu wadaa in eTAS uu si buuxda u beddelo eVisa, iyadoo la qorsheynayo in dhammaan codsiyada safarka, oggolaanshaha dal-ku-galka, iyo la socodka socdaalka lagu maamulo hal nidaam isku dhafan oo dijitaal ah.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed