DFS oo ku dhawaaqday in maalinta berri ah Laasacaanood lagu dhameystiri doono  dhismaha SSC-Khaatumo 

Guddiga Dowladda Federaalka Soomaaliya ee Maamul-dhammaystirka SSC-Khaatumo ayaa shaaca ka qaaday in berri oo Axad ah la soo dhammaystirayo shirka maamul-dhiska isla markaasna la meelmarinayo; Magaca, Calanka, Dastuurka & Dhammastirka Dowladda-goboleedkaasi.

Shirwaynaha Dowlad dhiska SSC-Khaatumo oo maraya heer gabo gabo ah ayaa dowladda Soomaaliya sheegtay in isfahan laga gaaray inta badan qodobaddiii shirka ee laga dooday, kaasi oo wajigiisa labad uu furan yahay muddo 5 cisho ah.

Guddoomiyaha Guddiga Farsamo ee shirweynaha dhamaystirka SSC-khaatumo Axmed Nuur oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ergooyinka isku yimid ay diyaar u yihiiin dhameystirka maamulka cusub.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed