Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) ayaa shaaca ka qaaday caaawa in natiijo la’aan ay ku soo dhammaadeen wadahadalladii ula socday qaar kamid ah xubnaha mucaaradka, kadib markii ay soo baxeen sida ay ku dooday aragtiyo is-diidan oo ku saabsan hannaanka doorashooyinka dalka.
Warsaxaafadeed kasoo baxay DFS ayaa lagu sheegay inay dowlada weli ka go’an tahay hirgelinta doorasho qof iyo cod ah, taasoo muwaadiniinta siinaysa fursad ay si toos ah ugu doortaan hoggaankooda.
Dowladda oo sheegtay in wadahadallo ay la yeelatay qaar ka mid ah xubnaha mucaaradka saddexdii maalin ee lasoo dhaafay ay miiska keeneen aragtiyo ay ku tilmaantay kuwo ka hor imaanaya xuquuqda aas-aasiga ah ee muwaadinka ee ah inuu wax doorto lana doorto.
“Dawladdu waxa ay wadahdallo la yeelatay qaar ka mid ah Xubnaha Mucaaradka ah kuwaas oo miiiska keenay aragtiyo ka hor imaanaya xuquuqda aas-aasiga ah ee Muwaadinka uu u leeyahay in uu wax doorto lana doorto” ayaa lagu yiri warka DFS.
Sidoo kale, Bayaanka DFS ayaa lagu caddeedayey in doorashada la qorsheynayo ay noqon doonto mid waafaqsan Dastuurka dalka, shuruucda jira iyo barnaamijka siyaasadeed ee dowladda, iyadoo xustay in muddooyinkii dambe ay wadatashiyo la lahayd daneeyayaasha siyaasadda iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.
Waxay mar kale ku celisay in albaabka wada-xaajoodka iyo wadatashiga uu weli u furan yahay dhammaan dhinacyada siyaasadda iyo bulshada Soomaaliyeed.
Xubnaha mucaaradka ah weli ma aanay soo saarin wax war ah oo ku aadan waxyaabaha fashiliyey wadahaladii rajada badan laga muujinayey ee ahaa in lagu heshiiyo.
HBN ONLINE TV

