Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) ayaa ku dhawaaqday in uu geeriyooday horjoogaha ugu sarreeya shirqoolada Alshabaab ee u qaabilsanaa gobollada Banaadir iyo labada Shabeelle, ka dib dhaawac daran oo kasoo gaaray dagaal uu la galay Ciidamada Dowladda.
Warka dowladda ayaa lagu sheegay in Cabaas Maxamed Hool uu u geeriyooday dhaawacyo culus oo ka soo gaaray dagaallo uu la galay ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, kuwaas oo ka dhacay deegaano ka tirsan labada Shabeelle.
Hool oo lagu eedeeyey inuu ku lug lahaa sida lagu carrababay bayaanka DFS dilal iyo weeraro ka dhacay gobolka Babanaadir ayaa la tilmaamay in kooxda uu kaga biiray magaalada Muqdisho 18-sano ka hor.
“Dhiigyacabkan ayaa Khawaarijta uga biiray sanadkii 2007 magaalada Muqdisho, wuxuuna si toos ah ugu lug lahaa weerarro arxan darro ah oo lagu beegsaday dadka shacabka ah ee ku nool caasimadda,” ayaa lagu yiri warka dowladda.
War saxaafadeedka ayaa bidhaamiyey in Cabaas uu ka mid ahaa horjoogayaashii ugu firfircoonaa ee kooxda, waxaana dowladda ay sheegtay inuu si gaar ah bartilmaameed ugu ahaa ciidamada ammaanka, iyadoo sirdoonka Soomaaliya uu hayey xog dhameystiran oo ku saabsan dhaq-dhaqaaqiisa.
DFS ayaa ku bogaadisay ciidamada sida uga qeyb qaadanayaan dagaalka ka dhanka ah kooxaha, waxayna mar kale ku celisay go’aankeeda ku aaddan in dalka laga xoreeyo kooxaha argagixisada ah ee dhibaatada ku haya shacabka Soomaaliyeed.
HBN ONLINE TV