DFS oo ka hadashay dagaalka Ciidamada Puntland kula jiraan kooxda Daacish ee gobolka Bari

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa bogaadisay hawlgalkii ay muddooyinkii dambe Ciidamada Daraawiishta Puntland ka wadeen buuraha gobolka Bari iyo hawlgalka ka dhanka ah Daacish.

Warsaxaafadeedka DFS lagu sheegtay in ay ka go’an tahay shacabka iyo maamulada dalka oo dhan inay ku dhiirigalineyso kuna garab istaagto doorkooda xoreynta dalka .

Sidoo kale warka ayaa lagu sheegay in loo midoobo dagaallada ka dhan ah Daacish iyo Shabaab, kuwaa oo dowladdu ku sheegtay “cadaw ay u simanyihiin dadka Soomaaliyeed”.

DFS ayaa intaasi ku dartay inay u taagan tahay “sidii dalka looga tirtiri lahaa dembiileyaasha Khawaarijta, kuwaas oo muddo dheer dhibaato aan kala sooc lagayn ku haya shacabka Soomaaliyeed” ayaa lagu yiri warka Saxaafadeedka DFS.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed