Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Soomaaliya ayaa shaaciyay in la soo qabtay eedeysane lagu magacaabo Jamac Cabdi Maxamuud, kaas oo lagu eedeeyay fal jinsi kufsi ah, duubis iyo faafin muuqaal anshax darro ah oo uu ku sameeyay gabar Soomaaliyeed, falkaas oo ka dhacay magaalada Qardho ee gobolka Karkaar.
War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ayaa lagu sheegay in baaritaan dheer kadib la ogaaday in eedeysanuhu uu ku dhuumaaleysanayay dalka Rwanda, halkaas oo laga soo qabtay iyadoo la kaashanayo Booliiska Caalamiga ah (Interpol).
Eedeysanaha ayaa dalka lagu soo celiyay galabnimadii Sabtidii, 18-ka Oktoobar 2025, waxaana laga soo dejiyay Garoonka Muqdisho, halkaas oo si rasmi ah loogu wareejiyay xabsiga qaybta Baarista Dambiyada (CID) ee Booliiska Soomaaliya.
Xeer Ilaaliye Jamac Cabdi Maxamuud ayaa sheegay in sida ugu dhakhsaha badan loo horkeeni doono Maxkamadda awoodda u leh, si uu u wajaho cadaaladda eedeysanaha, isaga oo uga mahadceliyay dowladda Rwanda iyo Booliiska Soomaaliya, gaar ahaan qaybta Interpol, oo door muhiim ah ka qaatay soo qabashada iyo keenista eedeysanaha dalka.
Ugu dambayn, Xafiisku wuxuu ku adkeeyay in uu ka go’an yahay la dagaallanka dambiyada tacaddiyada jinsiga iyo ilaalinta sharafta haweenka Soomaaliyeed.
HBN ONLINE TV