DFS oo gudaha dalka ka dhaqangalisay in lagu socdaalo Kaarka Aqoonsiga Qaranka

Dowladda Federaalka Soomaaliya DFS ayaa shaacisay in si rasmi ah u billowday hirgelinta Kaarka Aqoonsiga Qaranka oo hadda loo adeegsan doono duulimaadyada gudaha, sida ay maanta oo Isniin ah ku dhawaaqday Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda.

Masuuliyiinta hay’adda oo daah-furka nidaamkan cusub ka sameeyay qeybta hubinta socdaalka duulimaadyada gudaha ee Garoonka Caalamiga ah ee Aadan Cadde ayaa sheegay in tallaabadan ay qayb ka tahay dadaallada lagu adkeynayo amniga, lagu fududeynayo habraacyada safarka, isla markaana lagu horumarinayo nidaamka aqoonsiga muwaadiniinta.

“Saaka waxaa si rasmi ah loogu adeegey dadkii ugu horreeyay ee u safrayay gudaha dalka, kuwaas oo loogu adeegay Kaarka Aqoonsiga Qaranka, iyada oo nidaamka loo maray hannaan waafaqsan tilmaamaha socdaalka sharciga ah” ayaa lagu yiri warka Hay’adda  socdaalka.

Sida ku cad habraacyada cusub, muwaadiniinta u kala safraaya dowlad-goboleedyada federaalka waxaa laga rabaa inay haystaan Kaarka Aqoonsiga Qaranka si ay ugu safraan gudaha dalka.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed