Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in maanta duqeyn ka dhacday gobolka Shabelelaha Hoose lagu dilay ku dhawaad toban xubnood ka mid ah kooxda Alshabaab, iyada oo kaashanaya saaxiibada caalamka.
Howlgalka oo dhacay subaxnimadii hore ee saaka ayaa lagu dilay 7 xubnood oo ka tirsan Alshabaab oo ku sugnaa degmada Awdheegle, halka dhowr kale lagu dhaawacay, xilli ay maleeshiyaadku ku hawlanaayeen sida hadalka loo dhigay falal lagu dhibaateynayay beeraleyda deegaanka.
Sida ay sheegtay Waraadda Difaaca Soomaaliya oo soo xiganaysa saraakiisheeda gobolka, ayaa ku eedeeyey kooxda Alshabaab in si ula kac ah biyo ugu fureen sida ay ku andacootay beeraha si ay u curyaamiyaan beerashada iyo ganacsiga dadka deegaanka.
“Howlgalkaas ayaa lagu dilay toddobo xubnood oo ka tirsanaa Khawaarijta, halka dhowr kale lagu dhaawacay, xilli ay ku hawlanaayeen falal lagu dhibaateynayay beeraleyda deegaanka. Argagixisadu waxay si ula kac ah biyo ugu fureen beeraha, iyaga oo ujeedkoodu ahaa in lagu curyaamiyo beerashada iyo ganacsiga dadka deegaanka” ayaa lagu yiri warka Wasaaradda Difaaca Soomaaliya.
Sidoo kale, wasaaradda ayaa sheegay inay ka go’an tahay ciidamada dowladda inay sii wadaan howlgalada ka dhanka ah Alshabaab, si loo xaqiijiyo ammaanka shacabka, loona taageero horumarinta nolol maalmeedka bulshada.
Dhamaadka todobaadkii hore ayaa lagu eedeeyey kooxda inay ka gaysatay degmada Awdheegle falal isugu guryo jira gubis iyo laynta dadka shacabka ah eehalkaasi ku dhaqan, iyadoo magaalada 60% hore loo gubay, ayna Alshabaab dhamaystireen adeegyadii kale ee aas aasiga ahaa, sida ay warbaahinta u sheegeen masuuliyiinta gobolka.
HBN ONLINE TV