Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta kulan la yeeshay hoggaanka ururrada siyaasadda ee ka qeybgalay doorashadii goleyaasha deegaanka ee Gobolka Banaadir, isaga oo sheegay in Xukuumaddiisu ku hawlan tahay dhamaystirka doorashada tooska ah ee dowladaha hoose.
Xamsa ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la helo jawi siyaasadeed oo ku dhisan wadashaqeyn, si loo xaqiijiyo hannaan doorasho oo daahfuran, loona dhiso hay’ado dowladeed oo ku yimaadda rabitaanka shacabka.
Waxaa la filayaa in muddo kooban degmooyin badan oo dalka ka mid ah looga qabto doorashada cod iyo qof ee goleyaasha deegaanka ee maamul goboleedyada Galmudug, Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed.
Sidoo kale, Kulanka maanta ayaa diiradda lagu saaray sida la isu waafanjin lahaa afkaaraha dhinacyada, si loo helo aragti mideysan oo lagu wajahayo arrimaha doorashooyinka iyo amniga dalka.
Xukuumadda Soomaaliya ayaa ku adkaysatay inay diyaar u tahay in doorashooyin hufan la qabto, iyadoo xooga la saarayo wada shaqeyn siyaasadeed iyo hubinta hufnaanta hannaanka dowlad-dhiska, iyada oo tilmaantay inay ka go’an tahay dhageysiga dhammaan daneeyayaasha siyaasadda dalka, si loo helo aragti mideysan oo lagu wajahayo amniga dalka arrimaha doorashooyinka iyo hannaanka dowlad-dhiska.
Mas’uuliyiinta dowladda ayaa intaa ku daray in doorashooyinka degmooyinka la qorsheeyay ay muhiim u yihiin xoojinta dimuqraadiyadda iyo ka qeybgalka shacabka, si loo dhiso dowlad deggan oo ka jawaabta baahiyaha bulshada.
Dhanka kale, Kulankan ayaa imanaya xilli ay fashilmeen wada-hadalladii Villa Somalia, ee u dhaxeeyay Madaxda Dowladda Federaalka iyo Golaha Mustaqbalka, kadib markii la isku mari qodobada ay isku hayeen labada dhinac.
Golaha Mustaqbalka ayaa xudunta is-mari-waaga iyo kala aragti-duwanaanta labada dhinac ku sheegay inay sabab u tahay in goluhu ku adkeystay in Dastuurka KMG ah ee 2012 uu yahay aas-aaska sharciga ee dalka u degsan, wax ka beddelkiisuna uu u baahan yahay heshiis qaran oo loo dhan yahay, haalka dowladdu ku eedeysay in shirka la yimaadeen qodobo ka baxsanaa wixii lagu heshiiyey in fadhiga looga wada-xaajoodo.
Goluhu ayaa ku adkeystay qabashada doorashooyinka dowlad-goboleedyada muddo-dhaafka ah, iyadoo la raacayo sida uu dhigayo dastuurka dowlad-goboleedyada iyo mabaadi’da Dastuurka Federaalka Soomaaliya. Halka dowladdu iyaduna dooneysay in doorashooyinka saddexda maamul-goboleed lagu qabto sharciyad iyo habraacyo ku saleysan dastuurka wax ka beddelkiisa la isku hayo, taas oo ugu dambeyn sababtay in shirku natiijo la’aan ku dhamaado.
HBN ONLINE TV

