DFS oo bilowday qorshe ka dhan ah Axmed Madoobe, kaas oo ka bilaabanaya gobolka Gedo

Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) ayaa la sheegay inay bilowday qorshe siyaasadeed oo ka dhan ah maamulka Jubaland, gaar ahaan Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam “Madoobe”, ka dib markii uu fashil ku dhammaaday shirkii wadahadallada Kismaayo ee todobaadkan.

Qorshaan cusub ayaa la sheegay inuu in diiradda lagu saarayo gobolka Gedo, si halkaas looga dhiso Jubaland cusub oo ka madax-bannaan maamulka Axmed Madoobe. Wararka ayaa sheegaya in Madaxweyne Xasan Sheekh uu saacadihii la soo dhaafay kulan gaar ah la yeeshay Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre iyo xubno ka tirsan dowladda oo ka soo jeeda Jubaland, kuwaas oo lagu go’aamiyay in xukuumadda Xamsa ay hoggaamiso qorshaha cusub.

Galinkii hore ee maanta, magaalada Beledxaawo ayaa martigelisay kulan uu guddoomiyay taliyaha NISA ee Jubaland, Cabdirashiid Maxamed Nuur (Janan), kaas oo ay ka qeyb galeen mas’uuliyiin, saraakiil iyo bulshada deegaanka. Kulankaas ayaa lagu falanqeeyay aayaha Jubaland iyo sidii loo dhisi lahaa maamul cusub oo ay bulshada oo dhan ku mideysan tahay.

Mas’uuliyiintii iyo shacabka ka qeyb galay kulanka ayaa isku raacay in loo baahan yahay wadatashi iyo iskaashi si loo abuuro Jubaland loo dhan yahay oo ka tarjunta rabitaanka shacabka gobolka Gedom, sida uu warbaahinta u sheegtay Taliye Janan.

“Dadka reer Gedo waaa inay isu diyaariyaan, marti galiyaan soo dhaweeyaan, guryaha uga soo baxaan dhismaha iyo hormarka Jubbaland loo dhan yahay” ayuu yiri Taliye Janan.

DFS ayaan weli aqoonsan doorashadii Kismaayo ee dhammaadkii sanadkii hore, taas oo markii saddexaad lagu doortay Axmed Madoobe, arrintaasina waxay sababtay in la isku mari waayo shirkii Kismaayo ee fashilmay. Dowladda Federaalka ayaa ku adkaysanaysa in Axmed Madoobe uu ka laabto doorashadaas, isla markaana uu aqbalo nidaamka doorashooyinka qof iyo cod ee heer dowlad-goboleed ee la qorsheynayo.

Sidoo kale, Villa Soomaaliya ayaa ku talo jirta in doorashada qof iyo cod laga qabto gobollada Banaadir, Hirshabeelle, Galmudug, Koonfur Galbeed, Waqooyi Bari iyo Gedo, iyadoo la sheegay in DFS ay saameyn siyaasadeed ku leedahay dhulkaas.

Si kastaba ha ahaatee, qorshahan ayaa si adag uga soo horjeeda maamullada Puntland iyo Jubaland, kuwaas oo ay wehliyaan siyaasiyiin mucaarad ah oo dhawaan sameystay gole cusub oo lagu magacaabay “Golaha Mustaqbalka Soomaaliya.”

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed