DFS oo bandhigtay xog xasaasi ah oo ku aadan socdaalka & burburinta xafiisyo dhalinyarada laga tahriibin jiray

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya ayaa caawa soo bandhigtay warbixin ku saabsan wax ka beddelka iyo saameynta adeegga socdaalka ee cusub ee la hirgeliyey sanadkan, kaas oo la sheegay inuu keenay isbeddel weyn. Hay’addu waxay xaqiijisay in afartii bilood ee la soo dhaafay dalka ay soo galeen ku dhowaad 50 kun oo qof, kuwaas oo si rasmi ah loogu diiwaangeliyey nidaamka casriga ah.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in 49,263 qof ay Soomaaliya ku soo galeen adeegga e-TASS, taas oo Hay’addu ku tilmaantay kor u kac wax ku ool ah, laga soo bilaabo September ee sanadkan. Nidaamkan e-Tass ayaa sidoo kale lagu sheegay inuu si weyn u kordhiyey dakhliga dowladda, iyadoo jaantusyo la soo bandhigay ay muujinayeen isbeddel dhaqaale oo muuqda.

Sidoo kale, Hay’adda Socdaalka ayaa sheegtay in Baasaboorka Soomaaliya laga dhigay mid waafaqsan shuruucda caalamiga ah, gaar ahaan kuwa Hay’adda Duulista Rayidka Adduunka. Sanadkan waxay sheegtay in 185,371 oo qof ay soo dalbadeen baasaboorka Soomaaliya, waxaana la siiyey 177,272 ruux, halka 7,361 qof laga xanibay & 938 codsi oo baasaboorka loo diiday.

Dhanka kale, Hay’addu waxay soo bandhigtay xog la xiriirta la-dagaallanka tahriibka, iyadoo loo qabtay 2,861 qof oo ku socday safaro halis ah. kiisaska tahriibka waxaa loo qabtay 45 qof oo la sheegay inay ku lug lahaayeen tahriibinta dadka, waxaana lagala kala qabtay daafaha caalamka, iyada oo la xiray 24 qof oo la tilmamaay inay ahaayeen laamaha Soomaaliya ay ku lahayeen.

Hay’addu waxay xaqiijisay in dadka tahriibka ka ahaa dalka ay badi ahaayeen dhallinyaro ka yar da’da 25 sano ahna 90%, dadka tahriibka loo qabtay.

HBN Online TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed