DFS oo amarro adag ku waajibsay dadka ajaaniibta ah ee dalka imaanaya Soomaalidane si dadban u samayn doona

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dalka Soomaaliya aanu imaan karin qof ajanabi ah oo aan dal ku gal (Viiso) haysan isla markaana waxaa uu ku celceliyay in qofka Soomaaliga ah ee haysta baasaboor dal kale uu la mid yahay qofka dalkaasi u dhashay ee ay isku sharciga yihiin.

Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlayay munaasabad ka dhacday magaalada Muqdisho oo lagu soo bandhigayay wax-qabadka xukuumadda ayaa adkeyay barnaamijka dhawaan ay dowladdiisu hirgalisay ee E-visa oo ah in qof kasta oo haysta baasaboor dal kale ay qasab ku tahay in uu soo dalbado fiisaha inta aanu imaan, iyadoo loo sameyay hannaan Online ah.

Hadalka madaxweynaha ayaa imaanaya iyadoo dadka qaar cabasho ka muujiyeen arrintaan oo ay sheegeen in lacago dheeri ah laga qaado marar kala duwan.

Somaliland iyo Puntland ayaa sidoo kale ka horyimid tallaabadaan oo ku tilmaamay in aaney iyaga quseyn.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed