DFS iyo AUSSOM oo ka wada hadlay Amniga iyo Dagaalka ka dhanka ah Alshabaab

Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag ayaa maanta qaabilay Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya iyo Madaxa Howlgalka AUSSOM Danjire El Hadji Ibrahima Diene oo ay la socdeen wafdi saraakiil sare ah, waxaana kulanka si adag loogu wajahay ka mid ahaayeen amniga.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xaaladda guud ee siyaasadda iyo amniga dalka, gaar ahaan dagaalka ka dhanka ah kooxda Alshabaabah. Saraakiisha AUSSOM ayaa sidoo kale ku bogaadiyay taageerada ay ciidamada dowladda Soomaaliya ka heleen howlgalada amniga, iyaga oo ku booriyay in la sii xoojiyo wada shaqeynta si loo xaqiijiyo in dagaalka ka dhanka ah Alshabaab uu noqdo mid guul leh.

Gabagabadii, Danjire Hadji Ibrahima ayaa bogaadiyay dadaallada dowladda Federaalka Soomaaliya, isagoo tilmaamay in howlgalada la fuliyay ay horseedeen in si weyn guullo looga deegaannadii ay Alshabaab ku sugnaayeen, isla markaana lagu xaqiijiyay amniga iyo xasilinta goobihii ugu dambeeyay ee la sameeyey.

Wuxuu sidoo kale ku ammaanay iskaashiga joogtada ah ee dowladda Soomaaliya iyo howlgalka AUSSOM, kaas oo horseedaya sida hadalka loo dhigay in si hufan looga hortago khataraha waxa loogu yeero argagixisada iyo in la taageero dib-u-dhiska amniga guud ee dalka.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed