DFS codsiyo iyo abaabul Siyaasadeed u ku wada gogosha watashiga qaran

Iyadoo uu Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ku dhawaaqay shir wadatashi qaran ah oo lagu qaban doono magaalada Muqdisho 15-ka Juun 2025, ayaa durba waxaa bilowday diyaar-garow iyo dalab la soo jeediyey xubnaha siyaasiyiinta ah.

Dhinacyada siyaasadda qaarkood, oo ay ku jiraan ururrada siyaasadeed ee diiwaangashan, ayaa helay casuumaad rasmi ah oo ku taariikhaysan 7-da Juun 2025, taas oo kasoo baxday guddiga qabanqaabada shirka, lana sii maray Guddiga Doorashooyinka Qaranka.

Qoraalka rasmiga ah ee ka soo baxay guddiga qabanqaabada ayaa lagu yiri “Salaan diiran ka dib, anigoo ku hadlay magaca Guddiga qabanqaabada Gogosha Qaran ee Madaxweynaha JFS ku dhawaaqay, waxaa sharaf ii ah inaan Ururrada Siyaasadda ee Diiwaangashan ku casuumo ka soo qayb-galka shirkan wada-tashiga qaran oo ka qabsoomi doona magaalada Muqdisho 15 Juun 2025.”

Gogosha wadatashiga ayaa la sheegay in ay xoogga saari doonto qodobbada Amniga, Dhammaystirka Dastuurka, Doorashooyinka iyo Midnimada Qaranka. Si kastaba, xubno ka tirsan mucaaradka ayaa durba muujiyey walaac ah in aan si cad loo qeexin ajandaha rasmiga ah ee shirka, iyaga oo dalbaday in la siiyo xog dhammeystiran ka hor inta aysan go’aansan ka qaybgalkooda.

Sidoo kale, Xubnahan mucaaradka ah ayaa ku dooday in aan la hubin daahfurnaanta iyo ujeedka dhabta ah ee shirkan, iyagoo shaki ka muujiyay in shirka loo adeegsan karo sida ay qabaan dano gaar ah, halkii uu noqon lahaa mid u furan dhamaan dhinacyada siyaasadda iyo maamullada dalka.

Sida ku cad qoraalka casuumaadda, ururrada siyaasadeed ee diiwaangashan waxaa laga sugayaa in ay soo dirsadaan ilaa 5 xubnood oo matalaya, kuwaas oo la filayo inay talooyin wax ku ool ah ku biiriyaan, si looga gaaro guulo la taaban karo shirkan loogu magac daray “geeddi-socodka dawlad-dhiska Soomaaliya.”

Waxaa la eegayaa sida ay dowladda Soomaaliya uga jawaabto walaacyada la xiriira ajandaha, iyo in la helo wada-xaajood daahfuran oo horseedi kara is-afgarad qaran oo dhab ah, iyada oo shacabka Soomaaliyeed ay si weyn u daneynayaan in shirkaasi noqdo mid miro-dhal ah oo lagu gaaro is-afgarad ballaaran.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed