DFS Ciidanka Qaranka “Wuxuu sii joogi doonaa Gobolka Gedo”

Dowladda Federaalka Soomaaliya FDS ayaa si kulul u eedeysay shaqsiyaad ka tirsan maamulka Jubbaland oo ay ku eedeysay in sida warsaxaafadeedka ku xusay ay “hurinayaan rabshado” iyo “faafinta warar marin habaabin ah” oo lagu wiiqayo sida hadalka loo dhigay xasiloonida gobolka Gedo.

War-saxaafadeed ay soo saartay Wasaaradda Amniga Gudaha ayaa lagu sheegay in shaqsiyaadkaan ay “ku hawlan yihiin xasillooni-darro abuur iyo daboolidda falal dambiyeed,” iyadoo warbaahinta u adeegsanaya borobagaando.

Mid ka mid ah shaqsiyaadka magacooda la xusay ayaa ah Maxamuud Sayid Aadan, Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland, oo wasaaraddu sheegtay inuu xiriir la leeyahay sida hadalka loo dhigay “falal amni darro” oo horay uga dhacay gobolka, islamarkaana uu ku lug leeyahay dhaqdhaqaaqyo dhowaanahan lagu bartilmaameedsaday amniga gobolka.

Dowladdu waxay ku adkeysatay in Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed uu sii joogi doono gobolka Gedo, halkaas oo uu in ka badan 15 sano ka howlgalayay, iyagoo fulinaya waajibaadkooda dastuuriga ah ee ilaalinta amniga iyo kala dambeynta.

War-saxaafadeedka ayaa sidoo kale digniin u diray “shakhsiyaadka iyo kooxaha ku hawlan kicin colaadeed”, iyadoo la sheegay in “lagu qaadi doono tallaabo sharci ah”. Dowladda ayaa uga mahadcelisay shacabka iyo maamulka gobolka Gedo “samirkooda, dulqaadkooda iyo waddaniyadooda”, iyadoo mar kale ballanqaadday taageerada ay u hayso dadaalladooda lagu sugayo xasilloonida iyo la dagaallanka argagixisada.

Warkan ayaa imaanaya xilli ay sii xoogeysanayaan xiisadaha siyaasadeed ee u dhexeeya dowladda dhexe iyo maamulka Jubbaland ee ku saabsan gacan ku haynta gobolka Gedo.
Ilaa hadda wax war ah kama soo bixin Jubbaland oo ku saabsan eedeymaha dowladda.
HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed