Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) ayaa si rasmi ah uga jawaabtay war-saxaafadeed ay soo saartay Waaxda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka, kaas oo ku saabsanaa eedeymo la xiriira bakhaar ay leedahay Hay’adda Cunnada Adduunka WFP oo gargaarkii yaallay la boobay, lana burburiyey goobtii lagu shaqeynayey.
War saxaafadeedka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa caddeysay in agabka lagu sheegay warbixinada Maraykanku aysan ka bixin gacanta WFP, isla markaana maamulka iyo qaybinta gargaarka bini’aadantinimo aysan saameyn ku yeelan howlaha ballaarinta dekedda Muqdisho.
Warka qoraalka ah oo kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa lagu yiri “Dowladdu waxay caddaynaysaa in badeecadaha lagu xusay warbixinnadii ugu dambeeyay ay weli ku jiraan gacanta iyo maamulka Barnaamijka Cuntada Adduunka, oo ay ku jirto caawimaadda uu bixiyo Mareykanka”.
waxaa intaasi lagu daray “Dowladdu waxay si dheeraad ah u caddaynaysaa in bakhaarka WFP ee su’aasha laga qabo uu ku yaal agagaarka Dekedda Muqdisho, halkaas oo ay ka socdaan ballaarinta iyo shaqooyinka dib-u-habaynta socda oo qayb ka ah hawlaha horumarinta dekedda ee ballaaran. Hawlgalladani saameyn kuma yeelan haynta, maamulka, ama qaybinta gargaarka bani’aadamnimada”.
Waxay Dowladda Soomaaliya intaasi sii raacisay “Iyadoo laga jawaabayo walaacyada laga qabo howlaha ballaarinta dekedda, Dowladda Federaalka waxay sii waddaa inay dib u eegto arrintan iyada oo loo marayo guddiga farsamada ee hay’adaha kala duwan iyadoo la kaashanaysa la-hawlgalayaasha bani’aadamnimada”.
Hadalka Jawaabta ah ee wasaaradda ayaa waxaa lagu cadeeyey in “Dowladda Federaalka Soomaaliya si buuxda uga go’an tahay mabaadi’da bani’aadamnimada, hufnaanta, iyo isla xisaabtanka, waxayna qiimeysaa iskaashiga ay la leedahay Mareykanka iyo dhammaan deeq-bixiyeyaasha caalamiga ah. Warbixinno dheeraad ah ayaa la bixin doonaa marka dib u eegista la dhammeeyo”.
HBN ONLINE TV

