DFS ay sheegtay inay bilowday baaritaan ku aadan eedeymo la xiriira isticmaal aan oggolaansho lahayn oo ku aadan hawada dalka

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya ayaa maanta shaacisay inay billowday baaritaan ku saabsan wararka sheegaya in si sharci-darro ah loo isticmaalay hawada dalka, Dekad iyo garoomada diyaaradaha ee dalka, si loo fududeeyo dhaqdhaqaaqa shaqsi siyaasadeed oo baxsad ah, kana yimid dalka Yemen.

War-saxaafadeed ay hay’addu soo saartay maanta ah ayay ku sheegtay inay la shaqaynayso hay’adaha kale ee qaranka ee khuseeya arrintan, si loo hubiyo saxnaanta wararka, lana ogaado in ay dhaceen xadgudubyo ka dhan ah shuruucda Soomaaliya, nidaamyada u degsan ama habraacyada oggolaanshaha.

“Haddii ay xaqiiqo noqoto, falalkaas waxay noqonayaan xadgudub culus oo ka dhan ah madaxbannaanida qaranka Soomaaliya iyo xeerarka socdaalka,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka, iyadoo lagu daray in aan marnaba la aqbali karin fududeynta dhaqdhaqaaqa dad baxsad ah ama fulinta howlgallo hal dhinac ah oo lagu sameeyo dhulka Soomaaliya iyadoo aan haysan oggolaansho sharci ah.

Hay’addu waxay carrabka ku adkaysay in ixtiraamka madaxbannaanida Soomaaliya iyo u hoggaansanaanta shuruucda qaranka iyo kuwa caalamiga ah ay yihiin “mabaadii’ aan laga tanaasuli karin.”

Sidoo kale, war-saxaafadeedku wuxuu xusay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay si joogto ah u taageertay baaqa Boqortooyada Sacuudi Carabiya ee ku aaddan wada-hadal lagu qabto Riyaad, kaas oo loo arko hannaan siyaasadeedka saxda ah ee lagu xallin karo xaaladda Yemen. Waxaa la sheegay in isku day kasta oo uu Caydaruus Al Zubeydi ku doonayo inuu uga baxsado hannaan kaas, oo ay ku jirto taageero dibadeed oo la tuhunsan yahay, ay si toos ah uga hor imaaneyso dadaallada diblomaasiyadeed ee hadda socda.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed