Denmark oo sheegtay inay ixtitaamayso midnimada dhuleed ee Soomaaliya oo Somaliland qeyb ka tahay

Safiirka Dowladda Denmark u fadhiya Soomaaliya Steen Sonne Andersen ayaa cudurdaar iyo raalli gelin ka bixiyay hadal uu dhawaan ka sheegay doorashadii ka dhacday Somaliland, kaas uu ugu gafay Madax banaanida iyo Wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Soomaaliya sida ay sheegtay dowladda.

Danjiraha oo la kulmay Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa u hoggaansamay u yeeristii ka dhan aheyd isaga oo kaga timid Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya.

“Denmark waxa ay ixtiraamaysaa midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo ay ku jirto Somaliland. Denmark iyo Soomaaliya waa labo dal oo uu ka dhexeeyo xiriir wanaagsan, kana wada shaqeeya arrimo badan oo ay ku jiraan dhismaha dowladnimada, isbedelka cimillada iyo nabadda iyo amniga.” ayuu ku yiri Danjire Steen Sonne Andersen.

Tani waxay imaanaysaa iyada oo dhawaan Xukuumadda Soomaaliya ay ka xumaatay hadalo safiirka Denmark uu ka jeediyay magaalada Hargeysa.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa horay digniin ugu dirtay diblomaasiyiinta qaar, iyada oo uga digtay in ay ku xadgudbaan madax banaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, haddii ay dhacdana ay tallaaba ka qaadi doonto.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed