Dowladda Denmarka ayaa sheegtay in Soomaaliya ay ka cafisay ku dhawaad 20 Milyan oo doollar oo deyn ay ku laheyd ah, taasi oo ku dhacday heshiis seddex geesod ah oo u dhexeeyey labada dowladood.
Danjiraha Denmark ee Soomaaliya Steen Sonne Andersen ayaa sheegay in dalkiisu uu baabi’iyey deymihii Soomaaliya kulahaa, isaga oo qeyb ka ahaa hannaanka deyn cafinta HIPC ee dalalka xubnaha ka ah Paris Club.
Denmark ayaa kansashay 17 milyan oo dollar oo deyn ah oo ay ku laheyd Soomaaliya, waxaana ay tilmaantay in Denmark ay sii wadi doonto taageertada iyo dadaallada dib u habeynta dhaqaalaha Soomaaliya si loo helo Soomaaliya barwaaqo ah.
Dalalka xubinta ka ah Paris Clus ayaa horay u go’aamiyey Bishii Maarso ee 2024 in la soo gabagabeeyo deymaha Soomaaliya ay ku leeyihiin bisha December.
Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Soomaaliya Biixi Imaan Cige ayaa Isniintii todobaadkan isga iyo Safiirka Dowladda Denmark ee Soomaaliya Steen Sonne Andersen ay si wadajir ah ugu saxiixeen heshiis Soomaaliya looga cafinayo lacagihii deynta ahaa ee dalkaasi ku lahaa.
Soomaaliya oo deyntii ugu badneyd laga cafiyey ee adduun, ayaa hadda ku jirta wajiga dalalka deynta gaarka ah ku leh, waxaana horay u sheegay in deymihii ay ku lahaayeen Soomaaliya ka cafiyeen Mareykanka iyo dalal kale.
HBN ONLINE TV