Madaxweynaha Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta xilalkii ka qaaday dhammaan guddoomiyeyaasha gobollada Nugaal, Bari, Mudug, Karkaar, Sanaag, Haylaan iyo Raascasayr.
Madaxweyne Deni wuxuu gobolladaas u magacaabay guddoomiyeyaal cusub, kuwaas oo kala ah:
1. Guddoomiyaha gobolka Nugaal – Cabdiqaadir Cismaan Samatar (Food-cade)
2. Guddoomiyaha gobolka Bari – Maxamed Ibraahim Xaaji Faarax
3. Guddoomiyaha gobolka Mudug – Cabdiweli Jibriil Beyle
4. Guddoomiyaha gobolka Karkaar – Cabdullaahi Ismaaciil Cismaan
5. Gudddoomiyaha gobolka Sanaag – Cali Xuseen Maxamuud (Soomaali)
6. Guddoomiyaha gobolka Haylaan – Maxamed Faarax Ciise
7. Guddoomiyaha gobolka Raascasayr – Muuse Saalax Guuleed.
HBN ONLINE TV

