Deni oo shir looga hadlay xaaladda amniga iyo siyaasadda Soomaaliya la yeeshay wafdi ka socday Maraykanka

Wadfi ka socda dowladda Mareykanka oo uu hoggaaminayay ku-simaha safiirkooda Soomaaliya Justin Davis & saraakiil ka tirsan howlgalka AFRICOM ayaa waxaa maanta kulan ay kula yeesheen magaalada Garoowe Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni iyo ku-xigeenkiisa Ilyaas Cismaan Lugatoor.

Kulanka ayaa Puntland sheegtay in marka hore diiradda lagu saaray xaaladda amniga iyo siyaasadda guud ee Soomaaliya, gaar ahaan howlgalada ay ciidamada maamulkaais ka wadaan buuraha Calmiskaad ee ka dhanka ah kooxda Daacish.

Madaxtooyada Puntland ayaa sheegtay in masuuliyiinta maamulku soo bandhigeen guulihii laga gaaray dagaalkii lala galay kooxda iyo dadaallada lagu sugayo amniga deegaannada maamulka.

Sidoo kale labada dhinac ayaa ka wada hadlay sida la soo tabiyey xoojinta xiriirka iskaashi ee u dhexeeya, gaar ahaan dhinacyada amniga, maalgashiga iyo ka faa’iideysiga khayraadka dabiiciga ah.

Arrimaha la isla soo qaaday waxaa kamid ahaa horumarinta macdanta, kalluumeysiga iyo shidaalka Puntland.

Dhankiisa, ku-simaha safiirka Mareykanka ayaa bogaadiyay howlgalada ciidamada Puntland iyo guulaha laga gaaray ciribtirka waxa loogu yeero argagixisada, isaga oo ballanqaaday taageerada Mareykanka ee dhinacyada amniga, adeegyada bulshada iyo kobcinta dhaqaalaha.

Kulanka ayaa sidoo kale lagu falanqeeyay sida la sheegay marxaladda kala guurka siyaasadeed ee Soomaaliya, iyadoo labada dhinac ay isku raaceen muhiimadda ay leedahay xasilloonida siyaasadeed iyo iskaashi joogto ah oo lagu taageerayo amniga iyo horumarka dalka.

Kulankan ayaa imaanaya, iyada Beesha caalamka ay bilowday qorshe xal loogu raadinayo arimaha doorashooyinka Soomaaliya oo meel xasaasi ah gaaray, waxaana wakiillada beesha caalamka oo ay kamid yihiin safiirrada Mareykanka iyo Midowga ay cadaadis saarayaan dhinacyada si heshiis looga gaaro arimaha siyaasadeed iyo doorasho ee dalka.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed