Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa ku dhawaaqay in saacadaha soo socda ay si rasmi ah ula wareegi doonaan amniga caasimadda maamulka ee Garoowe, ciidamo cusub oo boolis ah oo si gaar ah loo tababaray.
Deni ayaa sheegay in ciidankan cusub ay door muhiim ah ka qaadan doonaan hagaajinta iyo tayeynta nidaamka amniga magaalada, kadib markii mararka qaar la dhaliilay qaabka amni ee hore u jiray. Wuxuu carrabka ku adkeeyay in ciidamadaan ay yihiin kuwo cusub oo gaar ah, isla markaana aanay wax xiriir ah la lahayn ciidamada hore ee Puntland.
“Sida qorshuhu yahay, maalinta beri ama saadambe [Sabti ama Axad], magaalada waxaa imaan doona ciidamada booliska cusub. Shaqada booliska ee Garoowe ka socotay iyagaa si buuxda ula wareegaya. Ciidankan waa kuwo si gaar ah loo soo xulay, loo tababaray, islamarkaana leh aqoon iyo xirfad sare. Waxaa laga filayaa inay wax weyn ka beddelaan sugidda amniga caasimadda,” ayuu yiri Madaxweyne Deni.
Madaxweynaha ayaa shacabka magaalada Garoowe ugu baaqay inay soo dhaweeyaan ciidanka cusub oo ay la shaqeeyaan, si wadajir loogu adkeeyo nabadda iyo xasilloonida magaalada, hase yeeshee ma aanu sheegin magaca rasmiga ah ee ciidamada, arrin uu hore u samayn jiray inta aan ciidamo cusub howl loo dirin ama aanay soo bixin, si bulshada uu ula wadaago xogtooda.
Ciidankan cusub ayaa tababar adag oo muddo bilo ah socday ku qaatay kulliyadda ciidanka ee Carmo, halkaas oo bishii Oktoobar lagu soo xiray tababarkooda. Wuxuu tilmaamay in kadib Garoowe ay Ciidamadan tagi doonaan Badhan, Gaalkacyo iyo Boosaaso.
Madaxweyne Deni oo ka hadlayay arrimaha amniga ayaa yiri: “Ninkii sharciga ka gudba, ha ahaado mid xiran shaar dowladeed ama mid shacab, sharciga ayuu marayaa. Garoowe hub laguma sii dhex wadan karo, anigaba aan noqdee waa in la xakameeyaa hubka iyo ilaalada masuuliyiinta.”
Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Amniga iyo Taliska Booliska Puntland ayaa sheegay in qorshahan cusub uu qayb ka yahay dadaallada lagu xoojinayo amniga caasimadda iyo guud ahaan gobollada Puntland, iyadoo la adeegsanayo ciidan tayo leh oo si hufan u shaqeeya.
HBN ONLINE TV

