Deni oo ku eedeeyay dawlada federaalka “inay ciidamo si qarsoodi ah uga qoranayso” Puntland

Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa eedayn culus u jeediyay Dowladda Federaalka Soomaaliya, isagoo ku dhaliilay inay si qarsoodi ah uga qoranayso ciidamo gudaha Puntland, waa sida hadalka uu u dhigaye.

Madaxweyne Deni ayaa arrintan ku tilmaamay mid “foolxumo ah”, isaga oo hoosta ka xarriiqay in maamulka Puntland aanu aqbali doonin ficiladaas. “Waxaa nasiib darro ah in maalin walba wiilal laabtoobyo wata ay leeyihiin Puntland baa ciidamo ka qoreynaa oo qarsoodi ah, oo hadba meel ka laablaabanaya,” ayuu yiri Deni.

Madaxweynuhu wuxuu xusay in siyaasiyiinta Puntland ee dibadaha jooga, haddii ay doonayaan dood siyaasadeed, ay fursad u leeyihiin inay cabiraan aragtidooda, maadaama maamulka Puntland uu u gudbay nidaamka axsaabta badan.

“Waxaan ogolnahay nin walba aragtidiisa iyo dhaliishiisa — waxaan rabnaa inaan kala doorano dhaliilaha, arrimaha siyaasiga ah, qaanuunka & sharciga,” ayuu yiri Deni.

Sidoo kale, Madaxweyne Deni wuxuu ku adkeystay in qofna uusan xaq u lahayn inuu dastuurka ka tallaabsado ama uu sida uu rabo uga beddelo. Si kastaba ha ahaatee, wuxuu sheegay in damac siyaasadeed iyo dhaliil loo fasaxan yahay.

Hadalkan ayaa imanaya iyadoo uu weli taagan yahay khilaafka u dhexeeya Puntland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan arrimaha amniga iyo siyaasadda.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed