Deni oo isbedal ku sameeyay hogaanka ciidamada iyo hay’adaha garsoorka maamulkaas

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray xeer Madaxweyne oo lagu dhisay Maxkamadda Sare iyo Maxkamadda Darajada 1-aad ee Ciidamada Qalabka Sida iyo Dambiyada Culus, si loo xoojiyo sida la tilmamay nidaamka garsoorka iyo isla xisaabtanka ciidamada.

Xeerkan ayaa dhigaya in Puntland ay markii ugu horreysay yeelan doonto Maxkamadda Darajada 1-aad ee Ciidamada, taas oo si gaar ah u qaabilsan dacwadaha la xiriira ciidamada qalabka sida iyo dambiyada culus, iyadoo la filayo inay door muhiim ah ka qaadato sugidda caddaaladda.

Xubnaha Maxkamadda Sare ee Ciidamada ayaa Guddoomiye looga dhigay Gaashaanle Sare Maxamuud Cabdiqaadir Xasan, halka Guddoomiye ku-xigeenka loo magacaabay Gaashaanle Sare Maxamed Faarax Maxamed, waxaana sidoo kale la magacaabay garsoorayaal, xeer ilaaliye iyo kaaliye.

Sidoo kale, Maxkamadda Darajada 1-aad ee Ciidamada ayaa loo magacaabay Guddoomiye Gaashaanle Dhexe Cabdixakiin Maxamed Siciid.

Dhanka kale, Madaxweyne Deni ayaa isbeddel ballaaran ku sameeyay hoggaanka taliska ciidanka Booliska Puntland, isaga oo magacaabay taliyeyaal iyo ku-xigeenno cusub, si loo xoojiyo sida la tilmaamay amniga iyo hufnaanta hay’adaha ammaanka.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed