Dekadda weyn ee Soomaaliya ee Muqdisho ayaa xiran muddo saddex maalmood ah, kadib markii ganacsatada ay cabasho ka muujiyeen canshuur xad dhaaf ah oo ay shaqsiyaad ku soo rogeen. Arrintan ayaa walaac ku beertay ganacsatada, waxayna ka dalbadeen dowladda inay soo farageliso.
Ganacsatada ayaa shirkooda jaraa’id waxa ay ku cadeeyeen in Wasaaradda Maaliyadda aysan wax shaqo ah ku laheyn eedeymahan balse ay wataan shaqsiyaad gaar ah, kuwaasi oo jahawareer iyo qalqal ku keenay howlihii Dekedda. Canshuuraha noocaan ah ee ay shaqsiyaadka ku soo rogaan, ayaa halkii ay ka ahaan jireen kanaallada rasmiga ah ee dowladda.
Cabashada ganacsatada Soomaaliyeed ayaa ka dhalatay canshuur xad dhaaf ah oo ay kusoo rogeen shaqsiyaad la sheegay inay xiriir la leeyihiin shirkadda dalka Turkiga ee maamusha dekadda Muqdisho. Canshuurtan oo aan la ogolayn ayaa keentay in ay adkaato in badeecadaha laga soo xareeyo dekedda, taasoo saameyn taban ku yeelatay dhaqdhaqaaqa ganacsiga iyo culeys dhaqaale oo ku yimid ganacsiga.
Inkastoo ay qeylo dhaan ka soo yeertay ganacsatada iyo dalabaadkooda ku aadan faragelinta dowladda, ayaan weli wax jawaab ah ka bixin arrintaan abuurtay walaac xooggan.
HBN NEWS DESK