Waxaa maanta banaanbax lagu taageerayo Ciimaada Itoobiya ee qaybta ka ah howlgalka ATMIS lagu qabtay degmada Waajid ee gobolka Bakool, halkaasi oo maanta maamulka magaalada ay boqolaal shacab ah isugu keeneen si taageero ugu muujiyaan.
Banaanbaxaan oo ay ka sooo qayb galeen masuuliyiin iyo shcabka degmada Waajid ayaa lagu sheegay in ay tahay mid lagu joojinayo keenista Ciidamada Masar ee dalka imaandoona horaanta sanadka soo socda.
War lagu qoray bogga ku hadla afka maamulka degmada ayaa lagu sheegay in Shacabka Waajid ee Gobolka Bakool oo uu Horkacayo Gudoomiyaha degmada Maxamed Macallim Yuusuf ay qabteen Dibadbax lagu taageerayo Joogista Ciidanka Itoobiya ee Magaalada, iyada oo sidoo kalane looga soo Horjeedo Keenista Ciidanka Masar, sida hadalka loo dhigay.
Qoraalka ayaa lagu sheegay in Shacabka ay dareenkooda ku Muujiyeen “Abaalka ay ugaleen Ciidanka Itoobiya” ee har iyo habeen u taagan difaaca Nafta iyo Maalka Shacabka deeganka sida ay tilmaameen.
Waa degmadii labaad ee lagu qabtay gobolka banaanbax, ka dib shalay markii mid tan la mid ah degmada Xudur lagu qabtay, taasi oo dadka ka soo qayb galay wateen boorar lagu qoray, ‘Itoobiya soo dhawow, Masar dooni mayno’ waxaana ka dhashay Falcelin taban.
HBN ONLINE TV

