DEGDEG: Weerar toogasho oo ka dhacay Hargeysa

War deg deg ah oo naga soo gaaray magaalada Hargeysa ayaa sheegaya in caawa dil toogasho ah uu ka dhacay bartamaha magaalada.

Warar laga helayo laamaha amaanaka ayaa sheegaya in laba qof lagu toogtay agagaaraka astaanka basaska Kilinka, waxaana dilka ka dambeeyay qof hub ku hubaysnaa.

Dilkan ayaa la sheegay in loo adeegsaday baastoolad, waxaana si degdeg ah goobta u tegay ciidamada Booliska Somaliland oo la wareegay halka falku ka dhacay.

Wixii warar ah oo dheeraad ah waxaad kula socon doonataan barnaamijyadeena dambe

Isha ku haay HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed