DEGDEG: Guddiga doorashada Soomaaliya oo shaaciyey natiijada doorashda ka dhacday Koonfur Galbeed

Guddiga Doorashooyinka Soomaaliya oo ku dhawaaqay natiijada doorashadii 10-bishaan May 2026 ka qabsoontay maamulka Koonfur Galbeed ayaa shaaciyey in Urur Siyaasadeedka JSP uu ku guuleystay aqlabiyadda kuraasta Golaha Wakiillada.

Sida uu sheegay guddigu, waxaa JSP heshay 51 kursi, kadib doorashadii loo galay 95-ka kursi ee Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed.

Natiijadan ayaa JSP ka dhigeysa ururka ugu awoodda badan golaha cusub ee Koonfur Galbeed oo la filayo in ay soo doortan madaxweynaha cusub ee Koonfur Galbeed.

Dhanka kale, urur siyaasadeedka NPU oo uu hogaamiyo madaxwayne hore Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa Golaha Wakiilada ka helay 14 kursi.

Tirada dadka codeysay sida guddigu sheegay ayaa noqotay 132,430 codbixiye, kuwaa oo inta cod ee ansaxa noqotay ay gaartay 128,276, halka codadka 4,154  inta xumaatay yihiin.

Urarada ku soo baxay natiijada kuraasta doorashadii golaha wakiiladda:

Waaberi 1 kursi
Cadaaladda iyo Midnimada Tiir 3 Kursi
Madalsan 1 kursi
Muwaadiniinta Soomaaliyeed 1 kursi
Cadaaladda iyo wadajirka JSP 51 kursi
Karaama 11 kursi
Saab 1 kursi
Sincad 6 kursi
Dhalinyarada talo qaran 1 kursi
Ramaas 1 kursi
Hormar iyo Midnimo qaran NPU 14 kursi
Towfiiq 4 kursi

HBN ONLIEN TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed