Waxaa saacadihii la soo dhaafay dab xooggan uu ka kacay Suuq Bacaad oo ah suuqii labaad ee ugu weyn dalka, kaasoo sababay khasaare hantiyadeed oo aad u baaxad weyn, iyadoo wali la la’yahay xakameyn buuxda oo lagu joojin karo faafitaanka dabka. Dabka ayaa markii hore ka bilowday qeyb kamid ah suuqyada ganacsiga ee gudaha Suuq Bacaad sida aan ka soo xiganay dadka goobjoogayaal ah, balse wuxuu si degdeg ah ugu faafay meelo kale oo ka tirsan suuqa.
Qiiq madow iyo holac ayaa cirka isku shareeray, lagana laga arkayay masaafad fog, taas oo cabsi ku abuurtay shacabka ku dhow dhow suuqa iyo ganacsatada. Goobta dabku ka socdo waxaa buux dhaafiyey ganacsato iyo dad shacab ah oo isku dayaya inay ka badbaadiyaan hanti ay suuqyadaas ku lahaayeen. Waxaa sidoo kale muuqata garab istaag xooggan oo dadka qaar ay u muujinayaan ganacsatada, iyaga oo ka caawinaya bixinta agab iyo faaruqinta goobaha dabku uusan wali gaarin.
Kooxaha dab-damiska iyo ciidanka booliska ayaa ku sugan goobta, waxaana ay la tacaalayaan sidii loo xakameyn lahaa dabka sii fidaya. Inkastoo dadaal weyn la wado, hadana dabka ayaa kusii fidaya qeybo kale, taasoo ka dhigaysa xaaladda mid cakiran oo aan wali la xallin.
Dowladda iyo maamulka gobolka Banaadir wali kama aysan bixin faahfaahin rasmi ah oo ku saabsan sababta uu dabku ku bilowday ama khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay, waxaase muuqata baahi degdeg ah oo loo qabo xal waara iyo qorshe badbaado si loo yareeyo khasaaraha sii kordhaya iyo sidoo kale baadhitaan ku saabsan xaaladda taagan.
Isha ku haay HBN ONLINE TV