DEGDEG: Dowladda Soomaaliya oo ku eedeysay Puntland in ay “afduubatay” markab hub u siday xarunta tababarka Turkiga

Dowladda Federaalka Soomaaliya DFS ayaa si adag u cambaareysay “afduubka” lagu sameeyay markabka SEA WORLD, kaas oo ku soo jeeday dekedda magaalada Muqdisho, isaga oo wata calanka jasiiradda Komoros. Markabkan ayaa la sheegay inuu siday qalab ciidan oo loogu talagalay Xarunta Tababarka Ciidanka ee TÜRKSOM, iyo sidoo kale alaabooyin ganacsi oo ay lahaayeen ganacsato Soomaaliyeed.

Bayaanka rasmiga ah ee ka soo baxay dowladda ayaa lagu eedeeyay shaqsiyaad lala xiriirinayo Maamulka Puntland in ay si “sharci-darro ah” u qabsadeen markabka, taas oo lagu tilmaamay mid jabinaysa Dastuurka ku-meelgaarka ah KMG ah ee Soomaaliya iyo shuruucda caalamiga ah ee badda. Qalabka saarnaa markabka ayaa lagu sheegay mid “si sharci ah loo oggolaaday” iyada oo la raacayo heshiisyada iskaashiga difaaca ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Turkiye.

“Qodobka 54-aad ee Dastuurka KMG ah wuxuu DFS siiyay awood gaar ah oo ay ugu masuul tahay difaaca qaranka, dhulka iyo badaba” ayaa lagu yiri war saxaafadeedka. Dowladda ayaa sheegtay in faragelin kasta oo maamul goboleed uu ku sameeyo arrimahan ay si toos ah u “wiiqeyso” midnimada iyo madax-bannaanida dalka.

Iyadoo la xiganayo Heshiiska Qaramada Midoobay ee 1982-kii ee Sharciga Badaha (UNCLOS), bayaanku wuxuu “afduubka” ku tilmaamay fal “burcad-badeednimo” iyo “dembi ciqaabeed” oo waafaqsan Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed. Dowladda ayaa dalbatay “sii deyn degdeg ah oo shuruud la’aan ah” oo lagu sameeyo markabka, waxayna uga digtay Puntland in aysan sameynin “howlgallo sharci-darro ah” oo dheeraad ah oo xeebaha laga fuliyo.

Dowladda Federaalka waxay mar kale xaqiijisay go’aankeeda ah in la sugo bad-qabka maraakiibta si sharci ah uga dhex shaqeynaya biyaha Soomaaliya, iyadoo la ciqaabayo shaqsiyaadka iyo kooxaha ku lug leh “burcad-badeednimo.” Waxay sidoo kale adkaysay muhiimada ay leedahay iskaashiga hay’adaha federaalka iyo dowlad-goboleedyada si loo ilaaliyo dastuurka iyo amniga qaranka.

Bayaanku wuxuu ku soo gaba-gabeeyay baaq loo jeedinayo dhammaan Dowlad-Goboleedyada, gaar ahaan Puntland, in ay ixtiraamaan awoodaha Dowladda Federaalka ee la xiriira arrimaha difaaca iyo maamulka badda, iyadoo lagu wargeliyay in haddii faragelimuhu sii socdaan, la qaadi doono tallaabooyin kale oo “sharci” iyo “amni” ah.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed