DEGDEG Baarlamaanka Soomaaliya oo fowdo iyo Firimbi hareerey

Buuq iyo sawaxan u muuqday mid lagu carqaladeynayo in uu qabsoomo kulanka wadajirka ah ee labada gole ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta mar qura is qabsaday xarunta shirarka golaha shacabka ee Villa Hargeysa.

Guddoonka golaha oo weydiiyey cabashadooda xubnaha arbushaada iyo fowadada waday ayaa diiday in wax jawaab ah ay ka bixiyaan, iyada oo taasi bedelkeeda howshooda sii wataay ee ah yeerinta seeriga iyo buuqooda.

Waxaa uuu sheegay guddoomiyaha golaha Shacabka Aadan Maxamed Nuur Madoobe in kulanka maanta anaan loo baajineyn sida hadalka uu u dhigay 12 xubnood oo diyaarad saaka ku yimid.

Guddoomiyaha golaha shacabka Aaadan Madoobe oo ka dalbaday masuuliyiinta labada aqal in cod loo qaado ajendaha kulanka oo ahaa ansixinta guddiga doorashooyinka ee xalay ansixiyeen golaha wasiiradda ayaa sheegay in Kooramka uu ku furmay 175 xildhibaan.

Waxaa uu sheegay in 169 mudane ay u codeeyeen guddiga, halka ay ka aamuuseen 6 xubnood sidaasine uu ansax ku yahay.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed