DEG DEG: Wade Mooto Bajaaj oo lagu dilay Dhuusamareeb

Wararka ka imaanaya magaalada Dhuusareeb ayaa sheegay in lagu dilay halkaas darawal Mooto Bajaaj ah, waxana lagu soo waramay in uu geystay mid ka mid ahaa Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada Galmudug.

Goobta dilku uu ka dhacay ayaa la sheegay in ay tahay ilinka laga galo xarunta madaxtooyada Galmudug ee magaalada Dhuusamareeb gobolka Galgaduud.

Laamaha amaanka ayaa la tilmaamay in gacanta ay ku dhigeen askarigii dilka u geystay wadaha Mooto Bajaaj.

HBN OLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed